Warshadda Korisa ee deegaanka Ijara oo dib loo soo nolayn doono

0
387

Xildhibaanad Umulkheir Haaruun Maxamed ayaa ku dhawaaqday in ay dib loo soo noolayn doonto Warshada Korisa, taas oo soo saari doonta Badeecooyin iyo saabuun laga sameeyay geedka dacarta iyadoo la isticmaalayo khayraadka gudaha.
Sida ay sheegtay xildhibaan Umulkheir, hindisahan ayaa looga golleeyahay in shaqo abuur loo sameeyo, gaar ahaan haweenka, iyo kicinta dakhliga qoyska ee gobolka.
Waxaa ay carabka ku dhufatay muhiimada ay leedahay in lagu xiro wax soo saarka gudaha suuqyo balaaran si loo xaqiijiyo waaritaanka waxayna ugu baaqday la howlgalayaasha inay taageeraan meelaynta badeecada iyo qaybinta, iyagoo gacan ka geysanaya kicinta xoojinta dhaqaalaha.