Wariye Bushaaro Baandey oo xukun lagu riday

0
436

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegaya in maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, ay hal sano oo xabsi ah ku xukuntay wariye Bushaaro Cali Baandey oo muddooyinkii la soo dhaafay xirneed.
Balse xukunka halka sano ah ee lagu riday Bushaaro ayaa ah xariga la iibsan karo, iyadoo hooyada dhashay oo warbaahinta gudaha la hadashay xukunka ka dib ayaa muujisay sida ay ugu faraxsantahay go’aanka maxkamaddu ku ridday gabadheeda taas oo muujineysa dhabnimada wararka sheegaya in xukunkaasi halka sano ah la iibsan karo.
Bushaaro oo bishii Shanaad ee May ee sanadkan la xiray ayaa dhowr jeer dib loo dhigay kiiskeeda, waxaana arrintaa walaac ka muujinayay wariyaasha iyo dadka u dooda xuquuda aadanaha, sida hay’adda u doodda xuquuqda wariyayaasha ee the Committee to Protect Journalist (CPJ) ayaa horay ugu baaqday in degdeg loo sii daayo Bushaaro.
Waxa jiray dhaawacyo la sheegay in la gaarsiiyay Bushaaro taas oo hadal hayn badan oo isugu jirta beenin iyo rumeyn ka dhex dhalisay baraha bulshada muddadii ay xirneed.