Ururka ay ku mideysan yihiin wariyaasha si gaar ah u tabiya arrimaha siyaasadeed ee (PJAK) ayaa ku baaqay in la xaqiijiyo badqabka warfidiyeennada ka hor doorashada guud, inta lagu guda jiro iyo marka laga gudbo ka dib.
Waxaa baaqan soo saaray guddoomiyaha PJAK Kennedy Murithi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Waxaa uu xusay in suxufiyiinta ay dhexdhexaad ka yihiin codeynta sidaas awgeedna aan loo baahneyn in lagu bartilmaameedsado gudashada waajibaadkooda shaqo.
Waxay tusaale u soo qaateen in tobankii sano ee la soo dhaafay ay jireen dhacdooyin wariyaal looga saaray munaasabado kala duwan , lagu aflagadeeyay , lagu bartilmaameedsaday diintooda ama qabiilkooda oo loogu hanjabay inay cawaaqiib xumo la kulmi doonaan.
Golaha warbaahinta dalka ee (MCK) ayaa laga soo xigtay in tan iyo bishii Koowaad ee sanadkan ay saameyn soo gaartay ilaa 50 wariyaal ah.
Wariyaasha ayaa taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka ,Hillary Mutyambai ugu baaqay inuu xaqiijiyo badqabka suxufiyiinta tabin doono doorashada.
Xoghayaha guud ee ururka PJAK Jerry Rawlings ayaa dhankiisa guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ugu baaqay inuu dardargeliyo aqoonsiga la siinaya wariyaasha si aynan caqabad ugala kulmi goobaha codbixinta iyo xarumaha codadka doorashada lagu tiring doono.