Wareegga labaad ee doorashada baarlamaanka Faransiiska oo socdo

0
454

Waxaa dalka Faransiiska ka billowday wareegga labaad ee codeynta baarlamaanka.
Wararka ayaa sheegaya inuu jiro taageero loo muujinaya garabka bidix oo ka soo horjeeda madaxweyne Emmanuel Macron oo ku dadaalaya in xisbigiisa uu aqlabiyad ku yeesho golaha xeer dejinta.
Doorashada oo billaabatay abaare 8-dii subaxnimo ayaa soo xirmi doonto 8-da fiidnimo.
Wareegii koowaad ee codeynta ayaa qabsoomay Axaddii hore iyadoo labada dhinac ay heleen boqolkiiba 26 ee codadka.
Warbaahinta dalkaasi ee France24 ayaa ku warramaysa in tirada dadka u soo baxay ka qayb qaadashada wareegga labaad ee doorashada baarlamaanka ay 12-kii duhurnimo ee maanta ahayd boqolkiiba 18.99 .