Warbixinta hordhaca ee booliiska oo lagu sheegay in 11 qof la dilay halka 567 loo xiray mudaharaadyada Saba Saba

0
298

Adeegga Qaran ee Booliiska (NPS) ayaa soo saaray warbixin horudhac ah oo daba socotay mudaaharaadyadii Saba Saba ee Isniintii ka dhacay degaano kala duwan ee dalka taasoo xaqiijinaya dhimasho, dhaawac, xarig iyo burbur hantiyeed oo la xiriira qalalaasahaas.
War qoraal ah oo uu soo saaray afhayeenka NPS Muchiri Nyaga ayaa lagu xaqiijiyay in 11 qof ay naftooda ku waayeen iska horimaadka booliiska iyo shacabka halka 52 booliis ah ay ku dhaawacmeen ka hortaga mudaharaadyada iyadhoo 11 qof oo rayid ahna la soo tabiyay inay dhaawacyo soogaareen.
Nyaga ayaa intaa ku daray in wadar dhan 567 tuhmane la xiray, oo uu ku jiro Gitonga Mukunji, oo ah xildhibaanka laga soo doortay deegaan barlamaaneedka Manyatta ee ismaamulka Embu, oo lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa falal dambiyeed.
NPS ayaa sidoo kale sheegtay in khasaare hantiyeed oo baaxad leh uu dhacay shalay, oo ay ku jiraan 12 baabuur oo boolis leedahay, 3 baabuur oo kuwa dowladda ah, iyo 4 baabuur oo ay leeyihiin dad rayid ah.
Adeegga ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan shilalka ay ku socdaan baaritaanno waxayna u xaqiijiyeen dadweynaha in tallaabo sharci ah oo degdeg ah laga qaadi doono kuwa lagu helo dambiyada.
Nyaga ayaa waxaa uu ku celceliyay in NPS ay wali ka go’an tahay ilaalinta dhammaan dadka Kenyaanka ah, dadka deegaanka, iyo dadka soo booqda, iyo in la hubiyo in nabadda, badbaadada, iyo cadaalada ay ka jiraan dalka oo dhan.