Shirkadda sameysa ra’yi uruurinta ee Infotrak ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in marka la eego waxqabadka senatarrada wadanka uu ugu wanaagsan yahay Okiyah Omtatah oo aqalka sare ku matalo shacabka ismaamulka Busia.
Waxqabadkiisa ayaa ah boqolkiiba 59.
Waxaa soo raaco dhigiisa Kirinyaga Kamau Murang’o iyo senatarka Kericho Aaron Cheruiyot oo labaduba helay boqolkiiba 56.
Waxaa liiska 25-ka senatar ee ugu wanaagsan dhanka waxqabadka soo galay Dan Maanzo oo laga soo doortay ismaamulka Makueni oo helay boqolkiiba 52 , dhigiisa Nyandarua John Methu iyo senatarka Murang’a Joel Nyutu oo labaduba helay boqolkiiba 51.
Shirkadda ayaa sidoo kale daraasaadkeeda ku eegtay waxqabadka wakiillada dumarka ee ismaamullada dalka iyo wakiillada deegaannada hoose.
Qiimeyntan ayaa laga sameeyay 47-da ismaamul ee ay Kenya ka kooban tahay , 290 deegaan baarlamaneed iyo 1450 oo ah deegaannada hoose.
Hasa ahaate shirkadda ayaan qaab dhibco ah ku qiimeyn waxqabadka senatarrada la soo magacaabay, wakiillada haweenka iyo xubnaha golayaasha hoose ee ismaamullada.
Ra’yi uruurintan oo la sameeyay intii u dhexeysay bilihii Toddobaad ilaa Sagalaad ee sanadkan ayaa waxaa su’aallo lagu waydiiyay 58,000 oo kenyaan ah.