Guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan arrimaha waxbarashada ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in sanadkii hore ay jireen falal xatooyo ah oo la xiriiray imtixaanaadka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da.
Baaritaannada guddigan ayaa soo billowday 27-kii bishii Koowaad ee sanadkan ka dib markii walaac laga muujiyay qaabkii loo maareeyay imtixaanaadka shahaaddiga ah.
Guddiga ayaa sheegay in waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da loo gudbiyay wax isdaba marinno dhanka imtixaanaadka ah oo gaaraya 68.
Waxay hadda baaritaano ku hayaan 44 oo kiisaskan ka mid ah.
Waxaa maxkamadaha loo gudbiyay 17 ka mid ah kiisaskan halka 6 la soo gabagabeeyay.
Marka la eego siyaabaha xatooyada ,47 ka mid ah waxay ku saabsan yihiin isticmaalka taleefoonada gacanta halka 12 ay ahaayeen waxyaabo qoran oo ardayda lagu helay.
Hal dhacdo ayaa ahayd qof arday u sameynayay imtixaanka.
Guddiga arrimaha tacliinta ee baarlamaanka oo warbixintan soo saaray ayaa sheegay in macluumaad looga soo gudbiyay ilaa 10 ismaamul.
Sidoo kale waxaa uu kulamo la qaatay daneeyayaasha kala duwan sida wasaaradda waxbarashada ee dalka, hay’adaha dowladda , garsoorka iyo kuwo kale.
Guddiga ayaa dhacdooyinka xatooyada u aaneeyay in xilli hore ay qaar ka mid ah ardayda heleen warqadihii imtixaanka ee maadooyinkii la sameynayay galinkii dambe, waxyaabo ay sii qorteen oo ay la galeen goobaha imtixaannada iyo taleefoonnada gacanta oo ay siteen.
Ismaamulka Embu waxaa laga soo tabiyay arday badan oo qoray jawaabo isku mid ah balse aan sax ahayn.
Sidoo kale guddiga ayaa baaritaanadiisa ku ogaaday in warqadaha imtixaanka lagu dusiyay baraha Telegram-ka iyo Signal-ka.
Warqadahan ayaa la faafinayay inta u dhexeysa 4-ta ilaa 5-ta aroornimo.
Golaha qaran ee imtixaannada ee KNEC ayaa dhankiisa sheegay in sanadkii hore ardayda lagu helay 29 taleefoonada gacanta ah.
Guddiga arrimaha tacliinta ee baarlamaanka dalka ayaa sheegay in ardayda badankoodu ay danta ku qasab tahay inay qish sameeyaan maadaama lagu cadaadinayay inay soo hoyaan buundooyin wanaagsan si ay ugu biiraan jaamacadaha.
Sidoo kale waxaa cadaadiska ardayda qayb ka ah in maamulayaasha dugsiyada sare ay rabaan in dugsigooda uu helo buundada isku celceliska ee loo yaqaano Mean Grade oo ah mid wanaagsan si guddiga adeegga macallimiinta ee TSC uu maamulahaasi u dallacsiiyo.
Baaritaannada waxaa lagu ogaaday in maamulayaasha qaar ay agaasimayaasha tacliinta ee deegaannada u bandhigeen kormeerayaasha ay doonayaan in dugsiyadooda la geeyo .
Sidoo kale in waalidiinta qaar lagula taliyay inay bixiyaan lacago laaluush ah oo la siinaya barayaasha ardayda ka ilaaliya inay xatooyo sameeyaan.
Guddiga waxbarashada ee baarlamaanka ayaa soo jeediyay in TSC ay isbeddel ku sameyso nidaamka dallacsiinta oo aan tani lagu xirin buundada dhexe ee dugsiga uu maamulaha hoggaamiyo balse in la eego arrimo kale oo ay ka mid yihiin habdhaqanka , horumarka macallinta iyo waxyaabaha aan si toos ah ula xiriirin casharrada .
Sidoo kale guddigan ayaa doonaya in KNEC aynan oggolaan in saraakiisha imtixaanaadka ay hal xarun ka howlgalaan wax ka badan labo sano oo isku xiga si looga hor tago in saameyn lagu yeesho.
Soo jeedinnada kale ayaa ah in la soo saaro tallaabooyin adag oo laga qaadaya dadka sameeya xatooyada imtixaanaadka qaran , in la cadeeyo dembiyada kale ee ka dhalan karo adeegsiga baraha bulshada iyo tiknolojiyadda , in xarumaha imtixaanaadka lagu rakibo kaameerada qarsoon ee duubta muuqaallada ee CCTV-da iyo in konteynarrada warqadaha imtixaanka loo dhaweeyo goobaha lagu sameynaya imtixaannada si looga hor tago in xilli hore su’aallaha loo dusiyo ardayda.