Warbixinta cilmi baaris ay sameysay hay’adda Global Initiative Against Transnational Crime oo dabagal ku sameysa dembiyada ka dhaco waddamada kala duwan ayaa muujinaysa in Kenya ay ka mid tahay dalalka qaaradda Afrika ee ay ku badan yihiin falal dambiyeedyada.
Dembiyadan waxaa ka mid ah argagixisannimada , dhaqidda lacagaha iyo tahriibinta dadweynaha.
Arrimahan ayaa loo aaneeyay amni darro baahsan iyo nidaamka dimuqraadiga ee wax lagu maamulo oo ku dhaqankiisa uu hoos u dhacay.
Heerka falal dambiyeedyada ee dalka ayaa lagu sheegay 7.02 marka 10 lagu qiimeeyo.