Warbixin lagu sheegay in ajeendaha baarlamaanka uunan ka turjumin rajooyinka kenyaanka

0
292

Hay’adda Mzalendo Trust oo dabagal ku sameysa howlaha baarlamaanka ayaa warbixin ku sheegtay in ajeendayaasha golaha qaran ee xeer dejinta aynan ka turjumin waxyaabaha ay shacabka ka rajeynayaan mudanayaasha.
Baarlamaanka iyo aqalka sare ayaa 10-kii billood ee ugu dambeeyay tixgeliyay hindise sharciyeedyo gaaraya 66 .
Qiimeynta warbixinta laga soo saaraya ayaa la sameeyay intii u dhexeysay 29-kii bishii Sagalaad ee sanadkii hore ilaa 30-kii bishii Lixaad ee sanadkan.
Mzalendo ayaa hoosta ka xarriiqday in nasiib darro xeer dejiyeyaasha aynan mudnaanta koowaad siin nidaaminta maaliyadda dadweynaha.
Muddada qiimeynta la sameeyay waxaa baarlamaanka iyo aqalka sare la horgeeyay mooshiino dhan 191 ,297 su’aallo waydiin ah , bayaan gaaraya 59 iyo 32 dacwadood.
Aqalka sare waxaa uu tixgeliyay 31 hindise sharciyeedyo ah oo labo ka mid ah ay uga soo gudbeen baarlamaanka.
Marka la eego sida ay xildhibaannada ugu dhex firfircoon yihiin baarlamaanka waxaa uu isku celcelis ahaan xildhibaankiiba hadlay 10 mar.
Boqolkiiba 68.14 ama 187 ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ayaa hadlay wax toban mar ka yar halka dhanka aqalka sare isku celcelis ahaan halkii senatar uu hadlay ilaa 41 mar.