Warbixin lagu sheegay in 48-dii ilbiriqsi uu qof u dhiman karo macluul

0
313

Hay’adaha Oxfam iyo Save the Children ayaa shir ay si wadajir ah u qabteen ka sheegay inay sii xumaanaysa abaarta saameysay bariga iyo geeska Afrika.
Tan iyo sanadkii hore tirada dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay abaarta ayaa in ka badan laba jibbaar noqotay.
Tiradan oo ahayd 10 milyan ayaa hadda ah ugu yaraan 23 milyan oo qof.
3.5 milyan oo dadkan ka mid ah ayaa ku nool Kenya halka inta kalena ay ku sugan yihiin dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Waxay warbixinta ku sheegen in wax ka yar hal daqiiqo ama 48-dii ilbiriqsiba uu qof u dhiman karo baahi.
Agaasimaha hay’adda badbaadinta carruurta ee Save the Children laanteeda Kenya Yvonne Arunga, ayaa sheegtay in tirada carruurta ay da’doodu tahay 6 sano iyo wixii ka hooseeya ee u baahan nafaqada ay bishii Saddexaad ee sanadkan gaartay 755,000.
Tani ayay ku sheegtay sare u kac u dhigma boqolkiiba 15.6 maadaama bishii Siddeedaad ee sanadkii hore tiradan ay ahayd 653,000 .