Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa lagu wadaa inuu maanta guddoomiyo munaasabad lagu soo bandhigi doono warbixinta qiimeynta waxqabadka wasaaradaha dowladda dhexe, shirkadaha dowliga ah iyo machadyada farsamada.
Warbixinta ayaa ah midii sanad maaliyadeedkii 2021-2022-kii.
Munaasabaddan ayaa laga billaabo maanta abaare 9-ka subaxnimo ka dhici doonto xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi.
Amar madaxweyne oo soo baxay 6-dii bishii koowaad ee sanadkan ayaa qeexayay in shaqooyinka xafiiska madaxa wasiirrada ay ka mid tahay inuu la socdo waxqabadka wasaaradaha.
Munaasabadda maanta waxaa ka qayb geli doono xeer ilaaliyaha dowladda Justin Muturi, barasaabyada ismaamullada, xoghayeyaasha joogtada ah ee wasaaradaha, guddoomiyaasha iyo madaxda fulinta ee shirkadaha dowladda , guddoomiyaasha iyo madaxda machadyada farsamada, agaasimayaasha heshiiska waxqabadka ee wasaaradaha dowladda dhexe, waaxyaha iyo hay’adaha, saaxiibbada dhinaca horumarka ee Kenya iyo wakiillo matalaya shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay.