Warbaahinta dalka oo loo diray baaq ku saabsan tabinta wararka musuqmaasuqa

0
338

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa wariyaasha ka howlgalo gudaha Kenya ugu baaqay in ay warbixinada la xiriira falalka wax is dabamarinta u soo tabiyaan qaab waafaqsan xeerarka saxaafadda.
Baaqan ayaa laga soo saaray tababar EACC ay qaar ka mid ah suxufiyiinta wadanka ugu qabatay magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Tababarka ayaa diiradda lagu saaray kaalinta warbaahintu ay ku leedahay maamul wanaagga iyo xeerarka laga doonayo in ay u hoggaansamaan.
Ku xigeenka madaxa fulinta ee golaha warbaahinta ee MCK Victor Bwire ayaa wariyaasha xusuusiyay in mar kasta ay soo bandhigaan xaqiiqda jirta iyada oo aan cid gaar ah loo eexan.
Ku xigeenka guddoomiyaha guddiga EACC Sophia Lepuchirit ayaa dhankeeda sheegtay in ay qirayaan doorka saxaafadda dalka ay ka qaadanayso la dagaalanka musuqmaasuqa.
Waxay intaasi ku dartay inay ku dadalayaan sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta guddigan kala dhexeysa shirkadaha warbaahineed si looga guulaysto lunsashada kheyraadka dadweynaha.