Waaxda adeegyada caafimaadka ee ismaamulka Isiolo ayaa ka mamnuucday ganacsatada waratada ah in ay waddooyinka magaalada gudaheeda iyo nawaaxigeeda ku iibiyaan raashin.
Amarkan ayaa la soo saaray ka dib markii dowlad deegaankaasi laga xaqiijiyay labo kiis oo la xiriira cudurka daacuunka.
Barasaab ku xigeenka Isiolo ahna wasiirka caafimaadka ee ismaamulkaasi James Lowasa ayaa sheegay in amarkan looga gol-leeyahay in dadweynaha looga hor istaago inay iibsadaan cunno tayo ahaan hooseysa marka la eego hal-beegyada caafimaadka.
Lowasa ayaa xusay in labada qof ee uu saameeyay daacuunka in lagu daaweeyay isbitaalka wayn ee Isiolo.
Waxaa uu dhanka kale shacabka ku boorriyay inay nadaafadda ku dadaalaan iyagoo si joogto ah gacmaha u dhaqanaya sidoo kalena kar-karinaya biyaha ka hor inta aynan cabbin.
Sidoo kale xubnaha bulshada ee isku arko astaamaha xanuunka shubanka ,matag ama fuuqbax ayaa loogu baaqay inay tagaan xarumaha caafimaadka si loo baaro oo ay daryeel u helaan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dhanka kale ilaa iyo hadda ismaamulka Murang’a laga diiwaangeliyay 12 xaaladood oo la xiriira daacuunka.