Dalka Turkiga ayaa u jihaystey doorasho ku celis ah ka dib markii madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo ninka ay doorashada isku hayaan Kemal Kilicdaroglu midkoodna uusan helin aqlabiyadda codadka doorashadii shalay wadankaasi ka dhacday.
Si kastaba ha ahaatee, Erdogan oo 69 jir ah, soona xukumayey dalkaasi 20 sano, ahna hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa ee wadankaasi, ayaa soo bandhigay natiijo ka wanaagsan sidii la filayay.
Iyadoo in ka badan boqolkiiba 99 sanaadiiqda codbixinta la tiriyay, Erdogan ayaa ku hoggaaminayay 49.44% halka Kilicdaroglu uu helay 44.86%, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Anadolu.
Guddiga sare ee doorashada ayaa sheegay in doorashada ku celiska ah aan la hubin, maadaama in ka badan codadka 3.4 milyan ee codbixiyaasha ee ku nool dibadda ay weli u baahan yihiin in la tiriyo.
Hoos ka akhriso sida ilaa iyo hadda u kala horreeyaan musharrixiinta.
Erdogan (AKP)
49.44%
Kilicdaroglu (CHP)
44.95%
Ogan (ATA Alliance)
5.20%
Ince (Homeland Party)
0.43%