Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay dagaalkii maanta ka dhacay Beledweyne

0
764

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal khasaaro gaystay oo maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, xilli doorasho ay ka socoto Magaaladaasi.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhexeeyay Ciidamada ilaalada ka ah Madaxtooyada Magaalada Beledweyne iyo Ciidamo kale oo maleyshiyaad ah, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in Ciidamada Maleyshiyaadka ah ay ka careysan yihiin kursi ka mid ah Golaha shacabka oo sida la sheegay loo xiray shakhsi.
Kursiga tirsigiisu yahay #010 ayaa la sheegayaa in ay ka dhalatay xiisadda, waxaana dagaalku uu ka dhacay sida wararka aynu ku helnay afafka hore ee Xarunta looga arrimiyo maamulka Gobolka Hiiraan.
Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in dagaalkaasi uu ku dhintay hal Askari, halka labo kalena ay ku dhaawacmeen.
Lama xaqiijin khasaaraha kale ee ka dhashay dagaalka, waxaana dad goobjoogayaal ah ay inoo sheegeen in dagaalku uu ahaa mid xooggan, oo ay macquul tahay in dagaalku intaa ka khasaaro badan yahay.
Maamulka Gobolka Hiiraan iyo hay’adaha ammaanka wax war ah kama soo saarin dagaalka, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in hadda xaaladdu deggan tahay.