Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax xooggan la maqlay duhurnimadii maanta, iyadoo qaraxaas lala beegsaday mid ka mid ah huteellada ay tagaan mas’uuliyiinta dowladda.
Weerar ku billowday qarax ayaa lagu qaaday huteelka Tawakal oo ku yaalla Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana la sheegay in qaraxa ka dib rag hubeysan ay gudaha goobtaasi galeen oo ay ka dhex dagaalamayaan.
Huteelka Tawakal oo ku yaalla Xaafada Faanoole ee Magaalada Kismaayo ayaa xilliga la weerarayay waxaa ka socday shir looga tashanayay gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Siminaar.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in weli rasaas xooggan laga maqlayo gudaha Huteelka, islamarkaana Ciidamada Booliska Jubbaland iyo rag huebysan ee gudaha galay ay daaalamayaan.
Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka, kaa soo gaaray qaar ka mid ah dadkii ku sugnaa Gudaha Huteelka iyo kuwo bannaanka marayay, waxaana hareeraha huteelkaasi la keenay Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Ammaanka magaalada Kismaayo.
Wixii faahfaain ee ka soo kordho qodobkan kala soco www.starfm.co.ke
Home Wararka Soomaaliya Wararkii ugu dambeeyay huteelka weerarka duhurnimadii maanta lagu qaaday ee Kismaayo




