Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya xerada qaxootiga ee Jenin ee dalka Falastiin ayaa sheegaya in 9 qof ay ciidamada Israa’iil dileen tan iyo markii uu billowday howlgalka, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiin.
Waxaa sidoo kale jira 50 qof oo dhaawac ah, iyadoo 10 ka mid ah ay xaaladooda liito.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xerada qaxootiga ee Jenin la xiray sababo la xiriira dagaalka halkaa ka socda, iyadoo tani ay ka dhigan tahay in gaadiidka gurmadka degdega ah ay ku dhibtoonayaan inay gudaha u galaan xerada.
Waxaa ay u badan tahay in la arko khasaare badan, inkastoo khasaaraha la xaqiijin doono oo keliya marka ay gaadiidka gurmadka degdegga ah gaaraan dhaawacyada iyo kuwa dhintay.




