Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo goor dhow bilaabaneysa

0
342

Guddiga isku dhafka ah ee labada aqal ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa wada diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada madaxweynaha oo maanta ka dhaceyso Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu guddiga diyaariyay goobaha loo asteeyay in laga soo galo xarunta Afisyooni gawaaridii qaadi lahayd maanta Musharrixiinta madaxweynaha iyo sidoo kale Basaskii iyana qaadi lahaa Xildhibaanada Labada Gole.
Ciidamada howlgalka ATMIS ee horraan la oran jiray AMISOM ayaa gacanta ku hayo Hoolka Afisyooni iyo guud ahaanba xeeyndaabka xalane, waxaana ku wehliyo Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo aan hubeysnayn.
Ciidamada ATMIS ayaa weydinaya qofka gelayo Xeyndaabka xalane aqoonsigiisa Iyo waxa uu yahay, mana jirto Cid aan la hubin oo halkaasi galeyso xitaa Musharrixiinta Madaxweynaha iyo Xildhibaanada Labada aqal.
Dhanka kale waxaa Xalay Magaalada Muqdisho ka dhacay kulamo kala duwan oo u dhexeyo siyaasiyiinta xil doonka ah iyo Xildhibaanada Labada aqal kuwaas oo safaf dhaadheer ugu jiray Halka ay deganyihiin Musharrixiinta ugu tanka wayn doorashada madaxweynaha Soomaaliya
Doorashadaaan oo ay isha ku hayaan Dhammaan umadda Soomaaliyeed ee joogta dal iyo dibad ayaa ka adag marka loo eego doorshoyinkii hore ee dalkaasi ka dhacay, waxaana u tartameysa 35 Musharrax.