Waxaa lagu wadaa in Maanta Magaalada Hargeysa ay ka dhacdo doorashada guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, taas oo ay ku loolamayaan laba xubnood oo horay xilal uga soo qabtay Somaliland.
Labada xubnood ee tartamaya ayaa kala ah Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ( Faratoon) oo mar soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, sidoo kalena xilal kala duwan soo qabtay iyo Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir, halka tartanka uu ka tanaasulay Cali Xaamud Jibriil oo ah Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada.
Guddoomiyihi Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif ayaa is casilay 11-kii bishii hore, sababao la xiriira dagaalka Magaalada Laascaanood, isaga oo sheegay in dadkii uu matalayay ee Gobolka Sool ay weerar ku soo qaadday Somaliland.
Diyaargaroowgii ugu dambeeyay ee doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa hadda ka socota Xarunta Golaha ee Magaalada Hargeysa, waxaana ku sugan inta badan Xildhibaannada iyo marti sharaf lagu casuumay.
Home Wararka Soomaaliya SAWIRRO:Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada guddoomiyaha wakiillada Somaliland