Barasaabka ismaamulka Kiambu Kimani Wamatangi ayaa shaqada ka ceyriyay todobo xubnood oo ka tirsan guddiga Bursary-ga ee degmooyinka kuwaas oo uu isla markiiba xubno kale ku bedelay.
Guddoomiyaha oo sii maraya wasiirka wasaaradda Waxbarashada, Jinsiga, Dhaqankaiyo Adeegyada Bulshada ee Kiambu Mercy Njagi ayaa wargeyska rasmiga ee dowladda ku xaqiijiyay xubnaha shaqada laga ceyriyay.
Xubnaha shaqada laga eryay ayaa waxaa ka mid ah Timothia Gichia, oo soo noqday guddoomiyihii degmada Muchatha, Julius Wambui Kinyanjui iyo Pauline Kamau, oo xubno ka ahaa degmada Muchatha.
Kuwa kale waxaa ka mid ah Rosemary Njeri Ndichu, oo ahayd gudoomiyaha degamda Karai, Geffrey Ndung’u, oo xubin ka ah degmada Sigona, Hannah Wanjiru Mburu, guddoomiyaha Bibirioni iyo Joseph Kuria Wanjiru oo xubin ka ahaa degmada Kijabe.
Barasaabka ayaa isla wargeyskaas waxaa uu u magacaabay James Mungai Kuria inuu noqdo guddoomiyaha degmada Muchatha iyo David Mungai Wang’ang’a iyo Stephen Mwihia Njau oo xubin ka ah isla degmadaas.
Magacaabida kale waxaa ka mid ah James Mwangi Nderi oo ah guddoomiyaha degmada Karai, Peter Kenneth Gakuhi oo xubin ka ah Sigona, Mary Wanjiku Mwaura oo ah guddoomiyaha degmada Bibirioni iyo Jane Gathoni Mwangi oo xubin ka ah Kijabe.
Si kastaba ha ahaatee, Wamatangi ayaan shaacin sababta todobada xubnood shaqada looga ceyriyay.
Ku dhawaaqista ayaa imanaysa bil kadib markii maamulka gobolka, wargeys ku taariikhaysan 24-kii March ee 2025-ka, ay sidoo kale shaqada ka ceyriday afar xubnood oo kale oo isla guddigaas ah.