Iyadoo ay qalalaaso ka jireen doorashooyiinkii iseeb-reebka ee Xisbiga UDA ee uu hoggaamiyo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa la filayaa in maalinka bari ah ee 19-ka bishan uu mar kale qaban doono qaar ka mid ah dooraashooyinkii isreebreebka ahaa ee dhacay.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee UDA Antony Mwaura ayaa laga soo xigtay in doorashooyinka ku celiska ah ay ka dhici doonaan galbeedka magaalada Nakuru iyo deegaanka Rongai, Mt Elgon oo ka tirsan ismaamulka Bungoma, bariga iyo galbeedka Turkana iyo deegaanka Moiben ee ismaamulka Uasin Gishu.
Tani ayaa timid ka dib markii walaac laga muujiyay qaabkii tartamada loo maamulay.
Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in isreereeb ku celis ah lagu qaban doono deegaanka hoose ee Biashara ee bariga Nakuru , dhammaan deegaannada hoose ee Bumula, Mt. Elgon, Malava, Lugari, Likuyani , bartamaha Turkana iyo kuwo kale oo badan.
Mr.Mwaura ayaa dhammaan musharraxiinta ugu baaqay inay nabadda ku dadaalaan oo ayna xaqiijiyaan in jawiga codeynta uu yahay mid deggan iyadoo la raacayo xeerarka iyo mabaadi’ida siyaasadeed ee uu qeexaya dastuurka UDA.