Walaac laga muujiyay Meydad hor leh oo laga soo saaray kenyta Binzaro ee Kilifi

0
696

Iyadoo lix qof oo kale oo meyd ah laga helay keyn ku taala deegaanka Binzaro ee ismaamulka Kilifi, ayaa walaac laga muujiyay xaaladaha isa soo taraya ee meydadka looga soo saaraya qabuuraha ku yaala kenyta Binzaro.
19 ruux ayaa meydadkooda laga soo saaray keynta Binzaro ee Kilifi ka dib markii usbuucii hore la bilaabay hawlgalo.
Dadka meydadkooda la soo saaray ayaa u geeriyooday fikrado xagjir ah oo laga dhaadhiciyay.
Qaar ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ayaa dowladda ugu baaqay in ay xil iska saarto arrimaha ka taagan Kilifi.