Walaac laga muujiyay hoos u dhac ku yimid ilaalinta xuquuqul aadanaha ee Kenya

0
474

Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa warbixin ay soo saartay walaac uga muujisay hoos u dhac ay sheegtay in sanadkii 2024-kii uu ku yimid ilaalinta xuquuqul aadanaha ee gudaha dalka Kenya.
Waxay hoosta ka xarriiqday in ay jireen dilal sharci darro ah, dad la waayay , jirdil iyo xanibaadda xurriyadaha warbaahinta.
Waaxda ayaa sheegtay in xadgudubyo dhowr ah loo gaystay dhallinyaradii dibadbaxayay ee sanadkii hore ka soo horjeeday canshuur kordhinta.
Guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha ee KNCHR ayaa diiwaangeliyay in sanadkii hore dibadbaxyada ay ku dhinteen 60 qof.
Maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliiska ee IPOA ayaa dhimashada ku sheegay 50 iyo dhaawacyo dhan 199 halka uu booliiska ku eedeyay adeegsiga awood xad-dhaaf ah.