Wakiillada Nyamira oo ku hanjabay inay xilka ka qaadayaan barasaabka ismaamulkaasi

0
211

Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Nyamira ayaa ku hanjabay inay xil ka qaadis ku sameyn doonaan barasaabka dowlad deegaankaasi Amos Nyaribo.
28 ka mid ah 34 wakiil ayaa taageersan qorshahan.
Ku xigeenka madaxa aqlabiyadda ee golaha hoose ee Nyamira ahna wakiilka Township ward , Duke Masira, ayaa sheegay inay Mr. Nyaribo ka dalbanayaan inuu is casilo ama xafiiska laga saaro.
Barasaabka ayaa loo haystaa fadeexad dhanka daawooyinka ah oo ay wakiilladu sheegayaan in lagu lunsaday ugu yaraan 22 milyan oo shilin.
Guddoomiyaha ayaa markii ay fadeexaddan soo shaac baxday shaqada ka joojiyay wasiirkii caafimaadka ee ismaamulkaasi Timothy Ombati.
Ombati ayaa maxkamadda geeyay codsi ah in shaqada dib loogu celiyo maadaama si sharci darro ah looga eryay.
Masira ayaa intaasi ku daray inaynan guddoomiyaha kalsooni ku qabin maadaama uu awoodiisa ku tagriifalo.
Sidoo kale wakiillada ayaa dalbanaya in aqalka sare uu baaritaano ku sameeyo barasaabka Nyamira.