Wakiillada Meru oo doonaya in la soo dhiso maamul maareynaya dowlad deegaankaasi

0
172

Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Meru ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqay inuu soo dhiso maamul qaabilsan maareynta howlaha dowlad deegaankaasi.
Waxay ku doodayaan in Meru ay noqotay meel aan la maamuli karin tan iyo intii ay hoggaanka qabatay Kawira Mwangaza.
Tani ayaa timid ka dib markii wakiillada ay guddoomeen cabasho dadweyne oo ku saabsan in xafiisyada ay banneeyaan 12 ka mid ah saraakiisha ismaamulkaasi oo ku eedeysan inaynan waajibaadkooda shaqo uga soo bixin sidii laga doonayay.
Sidoo kale wakiillada ayaa barasaabka Meru Kawira Mwangaza ku xujeeyay inay kala dirto golaha waxayna sheegeen inaynan ka cabsi qabin in mar kale ay doorasho qabsoonto.