Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Kisii ayaa meel mariyay miisaaniyad dhaqaale oo dhan 13.8 bilyan oo shilin.
Lacagtan ayay dowladda hoose ee ismaamulkaasi adeegsan doontaa sanad maaliyadeedkan 2023/2024-ka.
Miisaaniyadda ayaa lagu meel mariyay kal-fadhi gaar ah oo uu guddoominayay afhayeenka golaha hoose ee Kisii Philip Nyanumba.
Waxaa qorshahan golaha hor geeyay wasiirka wasaaradda maaliyadda , qorsheynta dhaqaale iyo ICT-da ee dowlad deegaankaasi Kennedy Abincha.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda golaha hoose ee Kisii, Henry Moracha ayaa wasiirrada ugu baaqay inay xaqiijiyaan in sida habboon loo adeegsado lacagaha loogu talagalay mashaariicda waaxyaha ay maamulaan.
Sidoo kale waxaa uu kula taliyey inay si firfircooni leh ugu adeegaan shacabka si aan xilalka looga qaadin.
Wakiillada ayaa dhanka kale dowladda hoose ee ismaamulka Kisii ugu baaqay inay bixiso lacagaha deymaha ee lagu leeyahay si aynan saameyn ugu yeelan miisaaniyadda xigta.