Wakiillada golaha hoose ee Nairobi oo maanta la dhaarinaya

0
347

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza ee ismaamulka Nairobi ayaa wacad ku maray inay maanta hor istaagi doonaan in la dhaariyo xubnaha golaha hoose ee caasimadda dalka.
Waxay sidoo kale sheegeen inay carqaladeyn doonaan u codeynta guddoomiyaha golaha.
Tani ayaa timid ka dib markii musharraxoodii Benson Mutura laga saaray liiska shakhsiyaadka jagadan u tartamaya.
Go’aanka ay qaateen siyaasiyiinta ayaa yimid ka dib markii karaaniga golaha hoose ee Nairobi Edward Gichana uu shaaciyay in keliya labo musharrax ay u tartami doonaan xilka guddoomiyaha golaha.
Waxaa horay codsiyo u soo dirsaday ilaa sagaal qof balse toddobo ka mid ah oo uu ku jiro Mutura ayaa ku guul dareystay inay gudbiyaan dokumeentiyada laga doonayo.
Hasa ahaate wakiilka deegaanka hoose ee Waithaka ,Anthony Kiragu ayaan arrintan ku qancin wuxuuna karaaniga golaha ku eedeeyay inuu si eexasho ah u dhaqmaya.
Kiragu ayaa xusay inay xaqiijin doonaan in golaha hoose ee Nairobi uunan wax howl ah qaban maanta ilaa iyo arrinta ay saluugsan yihiin laga xallinaya.
Waxaa xilka guddoomiyaha golaha hoose ee Nairobi ku wada tartami doono Ken Ngondi oo matalaya Azimio iyo Xasan Roobow Maxamad .
Jagada guddoomiye ku xigeenka golaha hoose ee Nairobi waxaa loolan ugu jiro wakiillada kala ah Paul Kados, Hashim Kamau iyo Samora Mwaura.
Waxaa uu qorshuhu yahay in karaaniga uu ugu horreyn xilalkooda u dhaariyo 129-ka wakiil ka hor inta aan loo gudbin u codeynta guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka.