Wakiillada golaha hoose ee Nairobi oo dhaliil u jeediyay maxkamadda ugu sarreysa dalka

0
317

Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Nairobi oo ay hor kacayaan guddoomiyaha golaha Ken Ng’ondi, karraniga Edward Gichana iyo hoggaamiyaha aqlabiyadda Peter Imwatok ayaa maanta tagay goob ay maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme court ku eedeynayaan inay kala wareegtay golaha caasimadda.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in mas’uuliyiinta ay fureen albaabka goobta oo xirnaa ka dibna ay gudaha u galeen.
Guddoomiyaha golaha hoose ee Nairobi ayaa warbaahinta u sheegay in meesha ay maanta tageen ay tahay goob loogu tala galay in wakiillada ay ku baakimaan baabuurtooda .
Waxaa uu xusay in wixii hadda ka dambeeya ay gawaaridooda halkaasi dhigan doonaan.
Karraaniga golaha hoose ee ismaamulka Nairobi ayaa dhankiisa soo bandhigay qoraal rasmi ah oo muujinaya in sanadkii 2015-kii , guddoomiyihii hore Alex Magelo uu ansixiyay in meeshan lagu baakimo baabuurta.
Waxaa uu mas’uulkan cadeeyay in aynan muddo isticmaalin baakinka ka dib codsi uga yimid waaxda garsoorka xilli la sameynayay turxaan bixin iyo dhageysiga dacwadihii ku saabsanaa qorshihii la doonayay in lagu beddelo dastuurka wadanka ee BBI.