Wakillada golaha hoose ee ismaamulka Embu ayaa taageeray tallaabo ay barasaabka dowlad deegaankaasi Cecily Mbarire shaqada uga joojinaysa dhakhaatiirta shaqo joojinta ku guda jiro ee aan weli si buuxda loo shaqaaleysiin.
Talaadadii ayay ahayd markii guddoomiyaha ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU laantiisa ismaamulka Embu Dr. Denis Mugambi uu shaaciyay in xubnaha ururkan ay shaqo joojin billaabayaan.
Tani ayaa saameyn ku yeelatay bixinta adeegyada caafimaadka ee ismaamulkaasi.
Barasaabka Embu ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay wada hadal la yeelato ururrada saraakiisha caafimaadka si loo xalliyo tabashooyinkooda.
Hasa ahaate waxay wacad ku martay in aynan marnaba ka gaabin doonin inay qaado tallaabo sharciyeed haddii ay howlwadeennada ku adkeystaan shaqo joojinta ay billaabeen.