Wakiilka haweenka ee Wajeer oo berri laga sugaya caddeymo ka dhan ah Ruto

0
1114

Wakiilka haweenka ee ismaamulka Wajeer Fadumo Geedi Cali ayaa looga fadhiyaa inay berri baarlamaanka hor geyso caddeymo ay ku xaqiijinayso eedeyn ay shalay u jeedisay madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Waxay hoggaamiyaha labaad ee dalka la xiriirisay dhacdooyin dhulal looga dhacay Nairobi, Laikipia, Taveta , Trans Nzoia iyo Wajeer.
Faadumo Gedi ayaa shalay codsatay in la siiyo labo cisho oo ay arrimahan ku caddeyn doonto Ruto.
Guddoomiyaha baarlamaanka Justin Muturi ayaa u qabtay ilaa 2:30 duhurnimo ee berri si ay u soo bandhigto caddeymaha ay haysa ee ay u cuskanaysa dhaliilaha ka dhanka ah madaxweyne ku xigeenka wadanka.