Wakiilka deegaanka hoose Karima ee ismaamulka Nyeri oo geeriyooday

0
474

Waxaa lagu soo warramayaa inuu geeriyooday wakiilka deegaanka hoose ee Karima ee ka tirsan deegaan baarlamaaneedka Othaya ee ismaamulka Nyeri.
Afhayeenka wakiillada golaha hoose ee dowlad deegaanka Nyeri John Kaguchia ayaa saaka xaqiijiyay geerida mas’uulkan.
Mr.Kabera ayaa xanuun aan la shaacin ugu geeriyooday isbitaalka Mt. Kenya oo la dhigay labo toddobaad ka hor.
Guddoomiyaha golaha hoose Nyeri ayaa ku ammaanay wakiilka geeriyooday shakhsi howlkar ah iyo hoggaamiye isbeddel leh, islamarkaana ay tabi doonaan bulshada deegaanka hoose ee Karima oo uu matalayay.