Wakiilka deegaanka hoose ee Koonfurta Gem oo la dhaawacay

0
353

Waxaa isbitaalka la dhigay wakiilka deegaanka hoose ee Koonfurta Gem ee ismaamulka Siaya, Brian Achieng.
Siyaasigan ayaa lagu daaweynaya isbitaalka Aga Khan ee ismaamulka Kisumu ka dib markii shan mar mindi la geliyay.
Achieng oo lagu soo doortay si madax bannaan ayaa dhibaatadan la gaarsiiyay xilli uu ka qayb galayay munaasabad aas ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in wakiilka ay toorida uga dhacday dhanka caloosha iyo dhabarka.
Mudanaha deegaanka Gem,Elisha Odhiambo oo isbitaalka ku booqday ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad ay soo hagaagaysa.
Xildhibaanka ayaa weerarka ku eedeyay taageerayaasha maareeyaha magaalada Kisumu Abala Wanga in kastoo uu iska fogeeyay.