Wakiil laga soo doortay deegaan ku yaala ismaamulka Nakuru oo xabsiga laga sii daayay

0
165

Maxkamad ku taal dowlad deegaanka Nakuru ayaa sii daysay wakiilka laga soo doortay deegaanka Molo Mr Joseph Ngware Ng’ang’a iyo kaaliyihiisa gaarka ah, Mr. Simon Munene oo loo xiray mudaaharaadkii ahaa sanadguuradii 25-kii bishii June ee sanadkan dalka ka dhacay .
Garsoore Priscah Nyota ayaa go’aamisay in mid kasta oo tuhmanayaasha ah lagu sii daayo dammaanad shaqsiyeed oo dhan Ksh 50,000 oo ay la socdaan laba dammaanad oo isku mid ah.
Warqad dhaar ah oo la horgeeyay maxkamadda, ayaa sarkaalka hormoodka u ah baarista ee Richard Mayaka uu codsaday 21 maalmood oo dheeraad ah si uu u sii hayo tuhmanayaasha, isaga oo ku dooday in xeer ilaalintu ay u baahan tahay waqti dheeraad ah si ay u diiwaangeliso hadallada markhaatiga.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu sheegay in hadii la sii daayo eedeysanayaasha ay u badan tahay in ay faraha la galaan baaritaanada socda.
Mr Ng’ang’a ayaa la xiray galabnimadii Khamiista wax yar ka dib markii uu ka qeyb galay aaska Dennis Njuguna ee Nenderu ee Turi Ward.
Njuguna, oo arday ka ahaa Dugsiga Sare ee Njenga Karume, ayaa la sheegay in ay booliisku dileen intii ay socdeen mudaaharaadyadii dalka oo dhan ka socday ee lagu xusayay dadkii lagu dilay mudaaharaadyadii ka dhanka ahaa sharciga maaliyadda ee 25-kii bishii Juun sanadkii 2024-kii.