Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo sheegay waqtiga ay bilaabaneyso codeyntu
Guddoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya Senatar Cabdiqani Geelle ayaa sheegay in qorshaha waqtiga ay bilaabaneyso codbixintu ahaa 11-ka barqanimo ee maanta balse dib u dhac ku yimid.
Waxaa uu goobta doorahsada ka sheegay in codeyntu bilaaban doonto 2-da duhurnimo.
Wali waxaa ka maqan hoolka doorahsada qaar ka mid ah xildhibanaada iyo musharixiinta.
Waxaana daqiiqado ka hor hoolka soo gaaray madaxweynaha wakhtigiisa dhammaaday Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.
Home Wararka Soomaaliya Wakhtiga ay bilaabneyso codeynta doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la shaaciyay