Wakaaladda USTDA oo taageero farsamo siinaysa wasaaradda maaliyadda

0
206

Wakaaladda Maraykanka ee arrimaha ganacsiga iyo horumarka ee (USTDA) ayaa taageero dhanka farsamada ah u fidisay wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha dalka.
Ujeeddada laga leeyahay arrinkan ayaa ah in la wanaajiyo geeddisocodka kaabayaasha bixinta qandaraasyada iyo xoojinta daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka la xiriira.
Waxaa qorshahan garab siinaya nidaamka caalamiga ee soo iibsashada agabka ee (GPI).
Waxaa heshiiskan saxiixday safiirka Maraykanka ee dalkani Kenya Ambasadoor Meg Whitman oo matalaysa madaxweyne Joe Biden.
Agaasimaha wakaaladda ganacsiga iyo horumarka ee Maraykanka ee USTDA Enoh Ebong ayaa sheegay inay Kenya ka caawin doonaan maalgashiga guud iyadoo la adeegsanaya kaabayaal tayo sare leh.
Waxaa taageeradan farsamo soo dhaweeyay kana mahadceliyay wasiirka maaliyadda ee dalka Prof. Njuguna Ndung’u.
Wasiirka ayaa xusay in tani ay horseedi doonto in maalgashiyada ay noqdaan kuwo wax ku ool ah oo muddo dheer shaqeeya dowladduna uu ugu badbaado dhaqaale badan oo hadda uga lumo howlahan.