Wajiga labaad ee soo saaridda meydadka Shakahola oo la billaabay

0
277

Waxaa maanta la billaabay wajiga labaad ee ay ciidamada dambi baarista meydadka uga raadinayaan keynta shakahola ee deegaanka Malindi oo ka tirsan ismaamulka Kilifi ee gobolka Xeebta.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa gaaray Kilifi si uu goobjoog uga noqdo wajiga labaad ee geeddisocodkan.
Waxaa uu sheegay in maanta keyntaasi laga soo badbaadiyay labo qof oo dheeraad ah.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ilaa iyo hadda 25 qof loo xiray inay ka dambeeyaan dilalka shakhsiyaadka meydadkooda laga soo saaray keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi.
Xilli uu Axaddii la soo dhaafay ku sugnaa deegaanka bartamaha Imenti ee ismaamulka Meru ayuu wasiirka sheegay in khuburadda ay qabaan in meydad dheeraad ah laga heli karo keyntaasi.
Shalay ayay ahayd markii labo qof oo kala ah nin iyo haweeney laga soo badbaadiyay keynta Shakahola tani oo tirada guud ee dadka ilaa iyo hadda la soo samatabixiyay ka dhigtay 66 ruux.

Dhanka kale mid ka mid ah qoysaska ka soo jeeda ismaamulka Nandi ayaa sheegaya inay maqleen in 5 ka mid ah xubnaha qoyskooda ay ka mid ahaayeen dadkii ku naf waayay keynta Shakahola.
Elizabeth Mboka ayaa sheegaysa in wiilkeeda iyo afar caruur ah oo uu dhalay ay halkaasi ku dhinteen.
Qoyskan ayaa ku andacoonaya in shanta qof ee ku naf waayay Shakahola ay dad ugu war dambeysay intii u dhaxeyse 2020-kii iyo 2021-kii.