Dowladda dhexe ayaa lagu wadaa inay toddobaadka soo socdo si rasmi ah u daah furto wajiga labaad ee barnaamijka ay uga falcelinayso culeysyada nololeed ee ka dhashay abaarta.
Wajiga labaad ee mashruucan ayaa waxaa ku baxaysa lacag dhan 450 milyan oo shilin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo saameynta abaarta laga dareemayo 23 ismaamul oo lagu tilmaamo oomanaha loona yaqaano (ASALs).
Dowladda dhexe ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda gurmad la gaarsiiyay ugu yaraan 225,705 qoys.
Xoghayaha waaxda badbaadinta bulshada , arrimaha waayeellada iyo barnaamijyada gaarka ah Mr. Nelson Marwa ayaa sheegay in kastoo ay jiraan caqabado la xiriira bixinta lacagaha caddaanka ah in haddana dowladdu ay ku guulaysatay inay cunno u qaybiso qaar ka mid ah dadka ay abaartu saameysay.
Dhanka kale hay’adda laanqayrta cas ayaa ka digtay in bisha Lixaad ee sanadkan , tirada dadka ay saameysay abaarta ay kor u dhaafi karto 3.5 milyan oo qof .
Ku xigeenka xoghayaha guud ee Kenya Red Cross Annette Msabeni ayaa sheegtay in tiradan ay sanadkii hore ahayd 2.8 milyan oo qof.
Ismaamullada si aad ah looga dareemayo culeyska abaarta ayaa waxaa ka mid ah Marsabit, Isiolo, Wajeer, Samburu, Baringo, Turkana iyo Mandera.