Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa maanta gaaray ismaamulka Kilifi ee gobolka Xeebta.
Waxaa uu halkaasi si rasmi ah uga daahfuray wajiga saddexaad ee geeddisocodka meydadka looga soo saaraya xabaal wadareedyada keynta Shakahola ee dowlad deegaankaasi.
Qoraal uu soo saaray ayuu wasiirka ku sheegay in kooxaha sameynaya baaritaannada ay ku dadaalayaan inay helaan caddeymaha loo baahan yahay si ay cadaalad u helaan qoysaska ay ka baxeen 242 qof oo la rumeysan yahay inuu marin habaabiyay baadariga kaniisadda Good News International Paul Mackenzie.
Wasiir Kindiki ayaa ka hor inta uunan tagin Shakahola waxaa uu kulan la qaatay madaxda amniga iyo sirdoonka ee gobolka Xeebta.
The professional surveying and mapping of the expansive Chakama Ranch cutline of 37,921 acres will enable the multi-agency security team to conduct a methodical, scientific, and thorough investigation into what were clearly serious, complicated and organised crimes perpetrated by… pic.twitter.com/h92vSn0QrS
— Kithure Kindiki (@KindikiKithure) June 6, 2023