Wajeer oo laga sameeyay wacyigelin ka dhan ah kontarabaanka

0
556

Waaxda ganacsiga ee dowladda hoose ee ismaamulka Wajeer oo kaashanaysa mas’uuliyiinta laanta dowladda dhexe u qaabilsan la dagaalanka badeecooyinka kontarabaanka ah ayaa wacyigelin sameysay.
Barnaamijkan ayaa lagu qabtay maqaaxida Grand Oasis ee magaalada Wajeer.
Waxaa ka qayb galay saraakiil ka kala socotay waaxyaha dowladda iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay.
Ka qayb galayaasha ayaa fursad loo siiyay inay soo bandhigaan aragtidooda ku aaddan la dagaalanka ganacsiga sharci darrada ah iyo sida ay gacan uga gaysan karaan dadaallada uu wado maamulka ACA.