Barasaabka ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru ayaa ku baaqday in la ixtiraamo hoggaamiyayaasha la doortay si looga fogaado khilaafyada aan loo baahnayn.
Waiguru ayaa waxaa ay sheegtay inaysan u oggolaan doonin siyaasiyiinta kale inay “ku tilaabaan” markay raadsanayaan xilalka siyaasadeed iyadhoo leh aamusnaanteeda waa inaan si khaldan loo fahmin.
Gudoomiyaha ayaa waxaa ay xustay in iyadha iyo hoggaamiyayaasha kale ee daneeya dadka ay weli kujiraan wadatashiga mustaqbalka siyaasadeed ee dadka gobolka.
Waxaa ay ka codsatay hoggaamiyaasha in ay diirada saaraan sidii ay shacabka u gaarsiin lahaayeen balan qaadkooda intii ay dagaal aan loo baahneyn ay la gali la haayeen madaxda kale.