Wafdiga Xamaas oo la kulmay madaxa sirdoonka ee Turkiga

0
137

Wafdi matalaya ururka Xamaas ee dalka Falastiin ayaa magaalada Istanbul kula kulmay madaxa laanta sirdoonka ee dalka Turkiga Ibrahim Kalin.
Waxaa ergadan hoggaaminayay dhexdhexaadiye sare Khalil al-Hayya.
Xamaas ayaa sheegtay in kulanka diiradda lagu saaray xadgudubyada Israa’iil ee ka dhanka ah heshiiskii xabbad joojinta ee Qaza.
Waxaa xadgudubyadan ka mid ah weerarrada iyo xannibaadda gargaarka baniaadannimo.
Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay sida loogu baahan yahay dib u dhiska kaabayaasha sida hannaanka bullaacadaha, iskuxirka waddooyinka iyo korontada.
Al-Hayya ayaa dowladda Turkiga uga mahadceliyay doorkeedii ku aadanaa in heshiiska la wada gaaro.
Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in xukuumadda Ankara ay sii wado garab istaagga shacabka Falastiin.