Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Doxa ee Caasimada dalka Qatar.
Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Qatar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano) ayaa ku soo Dhaweeyay Wafdiga garoonka diyaaradaha magaalada Dooxa oo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji uu muddo kooban ku sugnaa.
Gudaha Safaaradda Soomaaliya ee Qatar ayay kulan ku wada qaateen Safiirka Soomaaliya Qatar Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano) & Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo uu Wehliyo u qeybsanaha arimaha Ciidanka ee Safaaradda General Maxbuub Xasan Cabaade.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal xoogan gelisay dib-u-dhiska Ciidanka ,dalal kala duwan oo Qatar ay ka mid tahayna kaga mahadcelinayaan Mashaariicda horumarineed iyo midda amni ee Soomaaliya ay ka fulinayaan,
Safiirka Soomaaliya Danjire Cabdirsaaq Taano dhankiisa uga war bixiyey Wasiirka Xaaladda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Qatar iyo Soodhawaynta ay ka helaan dowladda Qatar.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji waxaa la filayaa inuu kulamo kala duwan saacadaha soo socda la qaato Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Qatar.