Waxaa dalka soo gaaray wafdi ka kooban mas’uuliyiinta ururrada bulshasa ee wadanka Ukraine.
Hoggaamiyeyaashan ayaa kulamo kala duwan oo heerkoodu sarreeya la qaadan doono xeer dejiyaasha , saraakiisha sare ee dowladda iyo wakiillo matalaya waaxyaha ganacsiga iyo ururrada rayidka ee Kenya.
Kooxdan ayaa sidoo kale booqan doonto dalka Itoobiya si ay u soo indha-indheeyaan fursadaha halkaasi ka jira.
Socdaalkooda ayaa ku saleysan iskaashi ay yeelanayaan ururrada bulshasa ee Ukraine iyo hay’adaha bariga Afrika.
Wafdigan ayaa sidoo kale eegaya saameynta colaadda ka taagan Ukraine ay ku yeelatay waddamada Kenya iyo Itoobiya.
Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen inay bishii hore soo mareen dalalka Nigeria iyo Ghana.
Wafdigan uu hoggaaminaya Evstratiy Zorya ayaa isugu jiro khuburro ku takhasusay arrimaha taariikhda iyo siyaasadda , dhaqaalaha, xuquuqul aadanaha, amniga iyo ka hor tagga wararka been abuurka ah.