Waxaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga gaaray wafdi matalaya kooxda Taalibaan oo halkaasi wada hadallo kula yeelan doono saraakiisha wadankaasi.
Kulanka waxaa ka qayb qaadanaya sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda ee Afghanistan iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada.
Dhinacyadan ayaa diiradda saaraya arrimo ay labada dal ee Turkiga iyo Afghanistan dani ugu wada jirto sida ganacsiga, socdaalka iyo gaadiidka hawada.
Waxaa wafdiga ka socdo Afghanistan hoggaaminaya sii hayaha xilka wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Amir Khan Muttaqi .