Wafdi ka socda baarlamaanka Carabta oo kulan la yeeshay madaxweynaha Syria

0
338

Wafdi sare oo ka tirsan baarlamaanka Carabta ayaa shalay kula kulmay magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Syira madaxweynaha wadankaasi Bashaar Al-Asad.
Madaxda dalalka Ciraaq, Jordan, Falastiin, Liibiya, Masar iyo Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale wakiilo ka socda dalalka Cumaan iyo Lubnaan, ayaa u safray dalka Syria, iyagoo qayb ka ah wafdi ka socda Midowga baarlamaannada Carabta.
Waxaa ay la kulmeen madaxda baarlamaanka Syria iyo madaxweyne Bashaar Al-Asad, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda taageerta ee SANA.
Syria ayaa inta badan ka go’day dunida Carabta inteeda kale ka dib markii Bashaar Al-Asad uu xasuuq ba’an ka gaysanayay wadankaasi tani iyo sanadkii 2011-kii.
Dibadbaxyo oo ay shacab badan ku dhinteen kuna barakaceeen ayaa dalkaasi ka dhacay sanadkii 2011-kii kaas oo looga soo horjeeday xukunkiisa.
Ururka Jaamacadda Carabta ayaa sanadkii 2011-kii hakiyay xubinimadii Syria, waxaana dalal badan oo Carab ah ay ergadoodii kala baxeen dalkaasi.