Maamulka qaran ee dhisidda waddooyinka waawayn ee KENHA ayaa sheegay in waddooyin la xiray saqdii dhexe ee xalay aan la furi doonin ilaa 1:30 ee duhurnimo ee maanta.
Waddooyinkan ayaa ah kuwa Ngong’ road, Lang’ata road, Mombasa road iyo Waiyaki way.
Waxaa loo xiray orotanka StanChart Marathon ee 42-da kiilomitir ah ee maanta lagu qabanaya magaalada Nairobi.




