Waddooyiinka laga soo gala xaafada islii oo dhamaan la xiray iyadoo laga cabsi qabo dibadbax culus

0
543

Waxaa saaka xiran dhamaan wadooyiinka laga soo galo xaafada islii ee deegaanka Kamkunji ismaamulka Nairobi,iyadoo laga cabsi qabo in maanta ay dalka ka dhacaan dibadbaxyo xoogan.
Ciidamado aad u tiro badan ayaa la soo dhoobay jag boontiyada xaafada islii iyagoona ku xiray dhagaxaan.
Waxaa sido kale saaka inta badan aan la furin xarrumaha ganacsiga ee xaafada Islii.
Waxaa cabsi xoogan laga qaba in kooxo dambiilayaal ah ay ku soo dhex dhuuntaan dibadbaxyaasha Gen Z kuwaas oo gaysta falal dambeeydyo kala duwan oo ay kow ka tahay dhaca iyo boobka hantida dadweynaha.
Iyadoo maanta la filaya in ay dalka ka dhacaan dibadbaxyada Saba Saba oo ayna xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ka mid tahay meelaha ay dhici karto in la soo bartilmaameedsado ayay mas’uuliyiinta ammaanka iyo hoggaamiyaasha siyaasadeed baaq u direen dadweynaha.
Waxaa ganacsatada lagu boorriyay in ay furaan goobahooda ganacsi oo ay si caadi ah u shaqeystaan .
Wakiilka deegaanka hoose ee Waqooyiga Xaafadda Islii AxmadKhadar Dabbar ayaa sheegay in berri amniga Islii si wayn loo sugi doono.

Dhankiisana Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo amniga xaafadda Islii Maxamad Caddow ayaa shacabka u xaqiijiyay badqabkooda.

Si kastaba ahaate Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Kipchumba Murkomen ayaa digniin adag u diray cid kasta oo qorsheynaysa in ay berri ka qayb qaadato mudaaharaad ku saleysan shaqaaqo iyo burburinta hantida dadweynaha.
Waxaa uu ciidamada booliiska ku boorriyay in ay ilaaliyaan habdhaqanka shaqo ee laga doonaya.
Murkomen ayaa xilli uu shalay ku sugnaa ismaamulka Meru kenyaanka u xaqiijiyay in dowladdu aynan marnaba damacsanayn in qof la dhibaateeyo.