Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Xuseen Maxamad ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Kenya iyo waddamada kale ee qaaradda Afrika ay guul uga soo hooyatay shirka arrimaha cimillada ee COP28 ee magaalada Dubai.
Waxaa halkaasi lagu daahfuray hindisaha wax soo saarka warshadaha ee kheyraadka dabiiciga ee qaaradda Afrika (AGII).
Madashaasi oo ay guddoominayeen madaxweynaha dalka William Ruto , mas’uuliyiinta Imaaraadka oo sanadkan hoggaaminaysa shirka iyo madaxda kale ee Afrika ayaa shaaca looga qaaday maalgelin dhaqaale oo dhan 4.48 bilyan oo doolar.
Heshiiskan ayaa ah mid maalgelinaya wax soo saarka la xiriira kheyraadka dabiiciga sida bacriminta , tamarta nadiifka ah iyo in wax soo saarka beeraha laga dhigo mid waara.
Ujeeddada laga leeyahay arrinkan ayaa ah in xal loo helo wasaqaynta hawada.
Tusaale waxay 270 milyan oo doolar oo ka mid ah 4.48 bilyan ee la shaaciyay ku baxaysa mashruuc dhanka beeraha oo ay iska kaashanayaan hay’adda deegaanka ee United Green ee Ingiriiska iyo dowladda Kenya.
Mashruucan ayaa laga fulinaya dhul dhan 15,000 hektar.