Dalalka Colombia, Kenya iyo Faransiiska ayaa iska kaashanaya dib u eegis lagu sameynaya hannaanka caalamka ee maaliyadda.
Waxay daahfureen olole ay koox aqoonyahaanno ah ku qiimeynayaan isbeddelka maaliyadeed ee la doonayo ee dhinaca deymaha , kheyraadka dabiiciga iyo cimillada ah.
Khuburrada arrimahan loo xil saaray ayaa kuwo caalami ah.
Ergeyga gaarka ah ee Kenya u qaabilsan arrimaha cimillada Cali Maxamad ayaa shirkii COP28 ee lagu qabtay magaalada Dubai ee dalka Isu tagga Imaaraatka Carabta ee UAE-da ka sheegay in Kenya aynan caalamka ka helin dhaqaalaha ay u baahan tahay ee lagu xoojin karo u adkeysiga ka dhanka ah saameynta isbeddelka cimillada.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa si wayn ugu ololeynayay in wax laga beddelo nidaamka maaliyadeed ee caalamka si uu u noqdo mid cadaalad laga dheehan karo.
Dowladaha Kenya, Colombia iyo Faransiiska ayaa isku raacay in loo baahan yahay dib u eegis degdeg ah oo arrinkan ku aaddan si dalalka dunida ay si siman ula tacaalaan dhibaatooyinka cimillada.