Waddamada Mali, Guinea, Burkina Faso oo doonaya inay mar kale qayb ka noqdaan ururro ay xubin ka ahaayeen

0
251

Wasiirrada arrimaha dibadda ee saddexda waddan ee ku yaalla galbeedka qaaradda Afrika, islamarkaana sanadihii ugu dambeeyay ay ka dhaceen afgambiyo milatari ayaa ku baaqay in dib loogu soo celiyo laba urur oo muhiim ah oo gobolka ah oo ay horraan xubin ka ahaayeen.
Diblumaasiyiinta ugu sarreysa dalalka Mali, Guinea iyo Burkina Faso ayaa war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen ku sheegeen inay isku afgarteen inay iska kaashadaan sidii looga qaadi lahaa xayiraadda uu saaray urur goboleedka midowga Afrika iyo jaaliyadda dhaqaale ee waddamada galbeedka Afrika ee ECOWAS.
Wasiiradda arrimaha dibadda ee waddamada Mali, Guinea iyo Burkina Faso kuwaas oo kala ah Abdoulaye Diop, Morissanda Kouyate iyo Olivia Rouamba ayaa dhawaan wadahadal ku yeeshay caasimadda wadanka Burkina Faso ee Ouagadougou, ka dib markii wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ruushka Sergei Lavrov uu horraantii toddobaadkan safar ku tegay dalka Mali.
Mr.Lavrov ayaa 3-da waddan u ballanqaaday in dowladda Ruushka ay garab ka siin doonto dagaalka ay dalalkan kula jiraan kooxaha hubeysan.
“La dagaalanka argagixisanimada, dabcan, waa arrin sidoo kale khuseysa waddamada kale ee gobolka.” ayuu yiri Lavrov
Inqilaabyo is daba joog ah ayaa ka dhacay waddamadan tan iyo sanadkii 2020-kii.